Golaha wasiirrada oo booliiska iyo NTSA ku amray inay tallaabo ka qaadaan darawaliinta aan sharciga ilaalin

0
245

Golaha wasiirrada ee dalka oo fadhi yeeshay ayaa walaac ka muujiyay shilalka waddooyinka ee ku soo badanaya gudaha wadanka.
Wuxuu goluhu ciidamada booliiska iyo maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhinaca waddooyinka ee NTSA ku amray inay wax ka qabtaan taxaddar la’aanta ka jirta waddooyinka ee sababta in dad badan ay shilal ku nafwaayaan.
Bayaan ka soo baxay golaha wasiirrada ee dalka ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran iyo wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka lagu amray inay si wadajir ah u qaadaan tallaabooyin ka hor tag u noqonaya shilalka sida in gacanta lagu dhigo wadayaasha baabuurta ee aan u hoggaansamin xeerarka taraafikada.
Amarka golaha wasiirrada ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya iyadoo saddex shilal oo dhacay wax ka yar 72 saacadood gudahooda ay ku dhinteen 23 ruux oo ay ka mid yihiin 6 arday ah.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii gaari arday siday oo marayay meel u dhow beerta Delamare ee waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Nairobi-Nakuru uu ku dhacay mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Waxaa ka sii horreeyay shil kale oo habeennimadii ay Talaadada soo galeysay ka dhacay waddada u dhexeysa magaalooyinka Eldoret- Nakuru.
Habeenkii Sabtida ayay ahayd markii 13 qof ay ku dhinteen shil kale oo ka dhacay ismaamulka Taita Taveta.
Taliyaha guud ee booliiska dalka Japheth Koome ayaa shilalka u aaneeyay in gaadiidka loo kaxeeyo si aan feejignaan lahayn.
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen ardaydan waxaa uuna amray in si adag loo dhaqangeliyo xeerarka gaadiidka ee dalka.