Golaha wasiirrada oo ansixiyay olole lagu beeraya 15 bilyan oo geedo ah

0
229

Golaha wasiirrada ee dalka ayaa kal-fadhigiisi shalay ku ansixiyay qorsho qaran oo geedo lagu abuuraya.
Dowladda dhexe ayaa doonaysa in ka hor sanadka 2030-ka gudaha wadanka lagu beero 15 bilyan oo geedo ah.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in baaxadda keymaha ee dalka la kordhiyo boqolkiiba 30 .
Tallaabada golaha wasiirrada ayaa qayb ka ah dadaallo loogu jiro wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimillada iyo xaalufinta dhirta.
Golaha wasiirrada ayaa meel mariyay in munaasabad waliba oo ay guddoominayaan madaxweynaha , ku xigeenkiisa , wasiirrada , xoghayeyaasha iyo saraakiisha sar sare ee dowladda lagu beero 200 ilaa 500 oo geed.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in ka falcelinta abaarta lagu saleeyo bartilmaameedsiga shakhsiyaadka iyo qoysaska ugu liita ee bulshada.
Bayaanka waxaa ku cad in ujeeddada ugu muhiimsan ee arrintan ay tahay badbaadinta nolosha kenyaanka iyo ilaalinta waxyaabaha ay nolol ahaan ku tiirsan yihiin.