Golaha wasiirrada dalka ayaa ansixiyay waxyaabo laga beddelay xeerarka iyo shuruudaha ay ku howlgalaan xubnaha guddiyada iyo shaqaalaha shirkadaha dowliga ah.
Tani ayaa ah mid la jaanqaadaysa amar uu dhawaan bixiyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Amarkaasi ayaa la xiriiray maareynta miisaaniyadda shirkadahan iyo maamulkooda guud si loo yareeyo ku tagriifalka kheyraadka qaran iyo xal u helidda waxqabad la’aanta.
Isbeddellada la meel mariyay ayaa ku saabsan mushaaraadka iyo lacagaha gunnooyinka ee madaxda fulinta, xubnaha guddiyada shirkadaha dowliga ah, maamulayaasha jaamacadaha, ku xigeenadooda iyo xubnaha golayaasha maamulo xarumaha sare ee tacliinta.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shirka golaha wasiirrada ee arrimahan lagu meel mariyay shalay ku guddoomiyay aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.