Golaha wasiirrada oo ansixiyay hal akoon oo ay isticmaalaysa wasaaradda maaliyadda

0
181

Golaha wasiirrada ee dalka ayaa  ansixiyay hannaanka akoonka keliya ee wasaaradda maaliyadda ee (TSA) .
Nidaamkan oo loogu tala galay dowladda dhexe iyo ismaamullada ayaa lagu doonaya wanaajinta qaabka loo maareeyo lacagaha dadweynaha.
Waxaa kulanka golaha wasiirrada dalka ee  ka qabsoomay aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi guddoominayay madaxweynaha wadanka William Ruto.
Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay adeegsiga TSA si maareynta lacagaha dadweynaha looga dhigo mid ku saleysan daahfurnaan.
Sidoo kale nidaamkan cusub ayaa xaddidi doono isticmaalka kheyraadka dowladda waxaa uuna yareynaya akoonnada ay waaxyaha kala duwan ee dowladdu ku leeyihiin bangiyada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in ay qasab tahay in la joojiyo lacagaha dulsaarka ah ee sida gaarka ah looga faa’iido miisaaniyadda lagu keydiyo akoonnada bangiyeed ee dowladda.
Sidoo kale golaha wasiirrada ee dalka ayaa maanta ansixiyay dhaqangelinta nidaamka casriga ee qandaraasyada dowladda ee (e-GP) oo ay adeegsan doonaan dowladda sare iyo ismaamullada labaduba.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in bixinta qandaraasyada iyo maamulkooda laga dhigo mid cadaalad ah oo si daahfuran loogu tartamo.
Waxay yareyn doontaa qarashaadka ku baxo maamulka qandaraasyada inta u dhexeysa boqolkiiba 10 ilaa 15 tani oo dowladda sanadkiiba u keydin doonto ama ay ugu soo haraysa 90 bilyan oo shilin.
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale meel mariyay xeerarka nidaamka iskaashiga dowladda iyo waaxyaha gaarka ah ee Public-Private Partnership Regulations.
Waxay horseedi doonaan inuu jiro jawi ku habboon maalgashiga.
Sidoo kale golaha wasiirrada ee dalka ayaa meel mariyay isbeddel lagu sameeyay waaxda tareennada si loo billaabo qaabab cusub oo lagu ballaarinaya ganacsigan.
Hindise sharciyeedka wax laga beddelay ayaa soo jeedinaya in waaxyaha gaarka ah , maalgashatada iyo xita dowladaha ismaamullada ay maamulaan adeegga tareennada ee magaalooyinka iyadoo waaxda Kenya Railways ay si dhow ula socon doonto.
Xubnaha golaha wasiirrada ee dalka ayaa sidoo kale ansixiyay qorsho Kenya u suurtagelinaya inay raadsato maalgelinta barnaamijyada deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah si loola tacaalo saameynta isbeddelka cimillada.
Golaha wasiirrada ee dalka ayaa sidoo kale meel mariyay xeerka Kenya Social Protection Policy 2023 oo la doonayo in dadka saboolka ah iyo qaybaha nugul ee bulshada looga badbaadiyo caqabadaha bulsho iyo kuwa dhaqaale.
Bayaanka ka soo baxay State House waxaa ku xusan in sidoo kale golaha wasiirrada ee dalkani Kenya uu maanta ansixiyay aqoonsiga xeerka tacliinta uu qofku helay xilli hore , soo dhisidda adeegga taageeraya shuruucda ee qaaradda Afrika iyo heshiiska loogu biiraya bangiga maalgelinta kaabayaasha ee Aasiya ee Asian Infrastructure Investment Bank.