Golaha wasiirrada ee dalka oo yeeshay kulan uu guddoominayay madaxweynaha wadanka William Ruto ayaa ansixiyay in miisaaniyad dheeraad ah oo gaaraysa 4 bilyan oo shilin loo qoondeeyo falcelinta ka dhanka ah saameynta abaarta.
Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay in saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka ay door muhiim ah ka qaadanayaan tallaabooyinka ay dowladda dhexe iyo ismaamullada ay kula tacaalayaan xaaladaha adag ee ka jiro qaybo ka mid ah wadanka.
Golaha ayaa sidoo kale lala wadaagay warbixin ku saabsan howlgalka amni ee ka socdo Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Xubnaha ayaa xusay in maamulka Kenya Kwanza uu mudnaanta koowaad siinaya cirib tirka kooxaha burcadda ee deegaanadaasi ka gaysanaya dilalka iyo dhaca xoolaha.
Sidoo kale golaha wasiirrada ee dalka ayaa tixgeliyay in dowladda dhexe ay hormuud ka noqoto xal u helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka ku yimaada cimillada.
Dhanka waxbarashada, golaha wasiirrada ayaa sheegay inuu jiro horumar laga gaaray dhaqangelinta manhajka waxbarashada ee CBC iyo qaabka ardayda dhameeyay fasalka 6-aad ee dugsiyada hoose dhexe ay ugu gudbeen heerka 7-aad ee JSS.
Xubnaha golaha wasiirrada ayaa amray in arday aan laga eryi karin dugsiyadan iyadoo loo aaneynaya inuunan sidan labiska laga doonaya.
Tani ayay ku sheegeen inay qayb ka tahay qorshaha dowladda ee ardayda dalka fursad siman loogu siinaya tacliinta.
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale amray in xilli hore loo diyaar garoobo imtixaannada shahaaddiga ee KCPE-da iyo KCSE-da ee sanadkan iyo imtixaanka ay markii labaad qaadan doonaan ardayda fasalka 6-aad ee Grade 6 ee (KPSEA).
Cabinet Resolutions – https://t.co/YBoasnpiTZ pic.twitter.com/99uUF9OuHb
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 28, 2023
Cabinet Resolutions Download (PDF)- https://t.co/YBoasnpiTZ
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 28, 2023