Golaha wasiirrada Israa’iil oo ka shiraya heshiis lagu soo afjarayo colaadda kala dhexeysa Xisbullah

0
388

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Israa’iil ayaa yeelanaya kulan looga hadlayo sidii loo gaari lahaa heshiis xabad-joojin ah oo ay la galaan uruka Xisbullah ee dalka Lebanon oo uu dagaal kala dhexeyo.
Heshiiska xabd-joojinta ah ee la qorshaynayo ayaa lagu soo warramayaa inuu noqon doono muddo laba bilood ah, waxaana ka mid ah in ciidamada Israa’iil laga saaro waddanka Lebanon.
Wasiirrada ayaa la filayaa inay u codeeyaan heshiiska inta uu socdo kulanka maanta.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa mas’uul sare oo ka tirsan Israa’iil ayaa sheegtay in kulanka uu noqon doono mid lagu ansixinayo qoraalka heshiiska.