DAAWO:Golaha warbaahinta dalka oo doonayo in la baaro dhibaato wariye loo gaystay

0
295

Golaha qaran ee warbaahinta dalka MCK ayaa ku baaqay in la gudagalo baaritaan dhab ah oo lagu sameynayo wariye la weeraray xilli uu ku sugnaa goob cunno laga qaybinayay.
Dhacdadan oo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa la arkayay ciidamo ka tirsan laamaha amniga oo wariyaha garaacaya.
Saxafiga oo ka howlgala warbaahinta maxalliga ee Nation ayaa ismaamulka Murang’a u tagay inuu soo tabiyo raashin qaybin dowlad deegaankaasi ka socotay oo ay kormeereysay marwada labaad ee dalka.
Madaxa fulinta ee golaha MCK David Omwoyo oo dhacdadan cambaareeyay, ayaa ku tilmaamay mid ceeb ah oo ay tahay in tallaabo adag laga qaado cidii ku lugta lahayd.
Waxaa uu xusay in iyadoo ay tahay in la raaco dhammaan awaamiirta ay bixiyaan saraashiisha ammaanka, haddana saxafiga ay muuqato in jir dil iyo aflagaado loo gaystay isagoo aan cidna khatar ku ahayn.
Golaha warbaahinta Kenya ayaa ku boorriyay maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliska ee IPOA, inuu baaritaanno dhab ah ku saameeyo arrintan, islamarkaana ay tallaabo habboon ka qaadaan saraakiisha arrintaasi ku lugta leh.