Golaha wakiillada Somaliland oo guddoomiye cusub doortay

0
245

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Faratoon, ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.
46 Xildhibaan ayaa u codeeyay Faratoon halka xildhibaan Maxamad Khadar ay u codeeyeen 35.
Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir, waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood sanadkii 1947-kii.
Waxaa uu dugsiga hoose ku dhamaystay isla magaaladaas, halka uu baxay dusgsigii sare ee Dayaxa ee magaalada Ceerigaabo.