Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ayaa mar kale dib u sii dhigay u codeynta qaraar ku aaddan in la joojiyo weerarrada ka socdo Qaza.
Qaraarka waxaa uu sidoo kale soo jeedinaya in sare loo qaado gargaarka baniaadannimo ee Qaza.
Dhanka kale warbixin ay taageertay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in gudaha Qaza ay macluul baahsan ku wajahayaan in ka badan 576,000 qof oo Falastiiniyiin ah.




