Golaha UNSC oo ka shiraya weerarrada Xuutiyiinta

0
199

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC ayaa lagu wadaa inuu yeesho kal-fadhi ay xubnuhu uga arrinsanayaan weerarrada kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.
Waxaa golaha hor yaalla qaraar uu soo saaray Maraykanka oo lagu dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta adeegsanaya Badda Cas.
Qaraarka ayaa lagu sheegay in weerarradan ay wax u dhimayaan nabad galyada iyo xasiloonida gobolka.
Soo jeedinta Maraykanka waxaa qayb ka ah in la cambaareeyo dhammaan heshiisyada dhanka hubka .