Golaha warbaahinta ee dalka ee MCK ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu ku cambaareeyay waxyeello ay shalay dibadbaxayaal u gaysteen wariyaal tabinayay mudaaharaadyadii dhacay.
Golaha ayaa wariyaasha ku bogaadiyay in ay u hoggaansameen halbeegyada dhanka anshaxa ee saxaafadda.
Hasa ahaate, MCK ayaa sheegtay in ay si kulul u cambaareynaysa in ilaa 4 suxufiyiin ah lagu dhaawacay ismaamullada Nairobi iyo Nakuru.
Waxay intaasi ku dartay in falalka noocaasi ah ay yihiin kuwo aan loo dul qaadan karin oo dhaawacaya xurriyadda warbaahinta iyo mabaadi’ida dimuqraadiyadeed.
Sidoo kale , MCK ayaa booliiska iyo dibadbaxayaasha badankooda ku bogaadisay in ay wariyaasha fursad u siiyeen in ay gutaan waajibaadkooda shaqo iyagoo aan la cabsi gelin.
Madaxa fulinta ee golaha warbaahinta dalka ee MCK, David Omwoyo ayaa dhanka kale cambaareeyay tallaabadii uu maamulka isgaarsiinta dalka ee CA uu hawada uga saaray qaar ka mid ah telefishinnada maxalliga ah in kastoo maxkamadda sare ay gelinkii dambe go’aankaasi waxba kama jiraan ka soo qaadday.