Golaha MCK oo cambaareeyay fal shalay lagu dhaawacay wariyaal

0
326

Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa si kulul u cambaareeyay bartilmaameedsiga wariyaasha xilliga ay dhacayaan dibadbaxyada mucaaradka.
Madaxa fulinta ee MCK, David Omwoyo ayaa sheegay inay khalad tahay in la weeraro qof suxufi ah oo ku guda jiro howlihiisa shaqo oo ay ka mid tahay inuu dadweynaha ku wargeliyo dhacdooyinka taagan.
Shalay ayay ahayd markii dhaawacyo la gaarsiiyay ilaa 6 wariyayaal ah oo tabinayay mudaaharaadyada.
MCK ayaa bishan Saddexaad ee sanadkan 2023-ka ku tilmaantay midda ugu madow marka la eego taariikhda suxufiyiinta wadanka.
Golaha ayaa ilaa iyo hadda diiwaangeliyay 25 dhacdo oo lagu weeraray wariyaal isugu jiro kuwo maxalli iyo kuwo shisheeye.
MCK ayaa Agaasimaha waaxda dacwad oogidda Nuurdiin Xaaji ka codsatay inuu amro baaritaano degdeg oo ku aaddan bartilmaameedsiga wariyaasha.