Golaha qaran ee qaabilsan xaqiijinta cadaaladda ee (NCAJ) ayaa soo jeediyay in miisaaniyadda loo kordhiyo waaxda garsoorka ee waddanka.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu dardargeliyo bixinta adeegyada cadaaladda.
Golaha ayaa baaqan diray xilli uu soo bandhigayay warbixintiisa sanad maaliyadeedka 2023–2024 –ka.
Waxaa warbixinta ku xusan in waaxda cadaaladda ee dalka loo qoondeeyay 118.8 milyan oo shilin in kastoo ay u baahnayd 512 milyan oo shilin.
Gaabadka miisaaniyadeed oo ah ilaa 393.2 milyan oo shilin ayaa xaddiday dhaqangelinta barnaamijyo muhiim ah.
Home Wararka Kenya Golaha maamulka cadaaladda oo ku baaqay in miisaaniyadda loo kordhiyo waaxda garsoorka