Golaha dhakhaatiirta dalka ee (KMPDC) ayaa walaac ka muujiyay in isbitaalka Abyan Hospital oo ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi muddo lagu xannibay canug maadaama aan la bixin qarashaad caafimaad.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay in Esther Ulavu oo doonaysay in canuggeeda qalliin loogu sameeyo isbitaalka qaran ee (KNH) loo weeciyay isbitaalkaasi.
Waxay warbaahinta u sheegtay in qarashaadka caafimaad ee laga doonayay in ay bixiso uu ahaa ilaa 3 milyan oo shilin.
Hasa, ahaate saraakiisha golaha KMPDC oo isbitaalka tagay ayaa u fududeeyay in gabadheeda halkaasi laga soo saaro oo loo qaado isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Hooyadan oo dareenkeeda la wadaagtay warbaahinta ayaa tiri.
Madaxa fulinta ee golaha dhakhaatiirta dalka ee KMPDC Dr. David Kariuki ayaa sheegay in ay xeerarka degsan ee dhanka anshaxa caafimaadka baalmarsan tahay in canug yar isbitaal loogu xannibo lacago aan la bixin awgood.
Waxaa uu xusay in ay baaritaano dheeraad ah ku sameyn doonaan isbitaalka Abyan.