Golaha qaran ee ay ku mideysan yihiin kaniisadaha wadanka ee (NCCK) ayaa maamulka Kenya Kwanza ku eedeyay inuu soo rogay canshuur culeys ku ah kenyaanka taasi oo aan waafaqsanayn ballanqaadyadii xilligii ololihii doorashada ee sanadkii 2022-kii.
NCCK ayaa bayaan ay soo saartay waxaa ay maamulka madaxweyne William Ruto ku dhaliishay inuu ka gaabiyay inuu dadka dhageysto , ilaalinta xeerarka maamulka ee kala dambeynta , yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo hoos u dhigidda deymaha ay dowladdu qaadato.
Golaha qaran ee kaniisadaha ee NCCK ayaa ku baaqay in la soo dhiso guddi qaabilsan arrimaha dhaqaalaha iyo bulshada .
Waxay doonayaan in xubnaha guddigan ay xal u raadiyaan caqabadaha dhaqaale ee uu dalku wajahaya.
Guddoomiye ku xigeenka golaha NCCK Bishop John Okinda ayaa sidoo kale dalbaday in madaxweynaha iyo xubnaha maamulkiisa ay soo afjaraan weerarrada dhanka afka ah ee ay ku qaadayaan waaxda cadaaladda.
Xoghayaha Guud ee golaha kaniisadaha wadanka Rev. Canon Chris Kinyanjui ayaa madaxweyne William Ruto u sheegay in xaaladda qaranka ay tahay mid aad looga walacsan yahay oo u baahan in la qaado tallaabo degdeg ah oo wax looga qabanaya.
Waxay soo jeediyeen in dowladdu ay yareyso canshuurta dheeraadka ee la soo saaray si uu hoos ugu dhaco qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxyaabaha ay baadariyaasha walaaca ka muujinayaan waxaa ka mid ah canshuurta guriyeynta.
Sidoo kale waxay ku baaqeen in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo deymaha qaran.
Waxay sheegeen in lacagaha loogu tala galay in amaahdan lagu bixiyo ay ku tagriifalaan shakhsiyaad gaar ah.
Golaha NCCK ayaa sidoo kale soo jeediyay in isbeddello lagu sameeyo waaxyaha tacliinta iyo caafimaadka ee dalka .
Waxay dhanka kale hoosta ka xarriiqeen in qorshaha ay dowladdu waaxyaha qaar ugu wareejinaysa shirkado gaar ah uu kenyaanka u horseedi doono culeysyo badan oo aan laga fiirsan.




