Golaha kaniisadaha oo dalbaday in la ballaariyo wada hadallada Bomas

0
198

Golaha qaran ee ay ku mideysan yihiin kaniisadaha dalka ee (NCCK) ayaa ku baaqay in la ballaariyo wada hadallada siyaasadeed ee ka socdo xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Waxay doonayaan in geeddisocodkan si wayn looga qayb geliyo dadweynaha.
Guddoomiyaha golaha NCCK , Timothy Ndambuki ayaa sheegay in tani ay ka hor tag u noqonaysa in la gaaro xal siyaasadeed oo aan shacabka lagala tashan.