Golaha hoose ee ismaamulka Uasin Gishu oo turxaan bixin doono barasaab ku xigeenka magacaaban

0
326

Waxaa uu qorshuhu yahay in wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Uasin Gishu ay maanta turxaan bixiyaan Evans Kapkea oo loo soo magacaabay xilka guddoomiye ku xigeenka dowlad deegaankaasi.
Waxaa jagadan bishii hore banneeyay Injineer John Barorot.
Kapkea oo 34 sano jir ah ayaa soo noqday wakiilkii deegaanka hoose ee Tembelio .
21-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu is casilay barasaab ku xigeenkii Uasin Gishu John Barorot ka dib markii loo magacaabay madaxa fulinta ee shirkad bixisa adeegyada tiknolojiyadeed oo caalami ah.