Golaha qaran ee ay ku mideysan yihiin hay’adaha aan dowliga ahayn ee loo yaqaano (NGOs) ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii doorashada guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan ay u noqon lahayd mid nabad ah.
Golaha ayaa ku talinaya in ururrada bulshada , maamullada diimeed iyo hay’adaha dowladda ay iska kaashadaan in ka hor xilliga codeynta la xoojiyo midnimada kenyaanka dhexdooda.
Guddoomiyaha golaha qaran ee NGOs-yada Stephen Cheboi ayaa siyaasiyiinta ku boorriyay inay iska ilaaliyaan iskudirka shacabka iyo jeedinta hadallada naceybka abuuri karo.
Waxaa uu Cheboi soo jeediyay in laga hor tago fal kasta oo muwaadiniinta wadanka ku kala qaybin karo qabiil, diin,heerka nololeed ama siyaasad.