Golaha guud ee qaramada midoobay oo u codeeyay in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza

0
181

Xubnaha golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ee UNGA ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii dowladaha Masar iyo Mauritania ay soo jeediyeen in la adeegsado qaraarka qaramada midoobay ee 377-aad oo qeexaya in nabadda loo midoobo.
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in Israa’iil ay taageero ku waynaysa duqeymaha aan kala sooca lahayn ee ay ka wado Qaza.
Ugu yaraan 18,412 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan lagu dilay weerarrada ay weli Israa’iil ka fulinaysa gudaha Qaza.