Golaha guud ee qaramada midoobay oo dalbaday in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho Qaza

0
382

Golaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ee UNGA ayaa dalbaday in si degdeg ah ay xabbad joojin uga dhaqan gasho Qaza.
Xubnaha golahan ayaa arrintan si wadajir ah ugu codeeyay .
Sidoo kale waxaa uu goluhu taageero u muujiyay shaqada hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee (UNRWA).
158 xubnood ayaa codkooda ku dalbaday in xabbad joojin degdeg ah oo waarta oo aan shuruudo lahayn ay ka dhaqan gashay Qaza.
9 xubnood oo ka mid ah 193-da xubnood ee golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa ka soo horjeestay meel marinta qaraarkan halka 13 kale ay ka gaabsadeen.
Sidoo kale qaraar labaad oo lagu taageerayay hay’adda UNRWA sidoo kalena lagu dhaliilayay in Israa’iil ay mamnuucday howlaha hay’addan ayaa waxaa u codeeyay 159 xubnood , waxaa ka soo horjeestay 9 iyadoo 11 kalena ay ka gaabsadeen.
Qaraarkan ayaa Israa’iil looga dalbaday in ay u hoggaansanto xeerarka caalamiga ah oo ay qadariso xuquuqda baniaaddannimo ee shacabka Falastiin iyo hay’adaha u adeega.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo duullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore lagu dilay ugu yaraan 44,805 qof halka la dhaawacay 106,257 kale.