Golaha fulinta ee Midowga Afrika oo ansixiyay in Bariga Afrika uu soo saaro guddoomiyaha xiga AU-da

0
316

Golaha fulinta ee guddiga Midowga Afrika ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay in gobolka Bariga Afrika uu soo saaro guddoomiyaha xiga ee AU-da.
Waxaa go’aankan ansixiyay golaha fulinta ee wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Afrika.
Madaxa wasiiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Musalia Mudavadi ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid horumar weyn uu ah gobolka Bariga Afrika iyo Kenya si uu soo saaro guddoomiyaha xiga ee Midwoga Afrika.
Waxaa uu xusay in go’aankan uu yahay mid waafaqsan xeerka guddiga Midowga Afrika.
Shakhsiyaadka ilaa iyo hadda shaaciyay musharraxnimada guddoomiyaha AU-da waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Bishii hore ayay ahayd markii Raila Odinga uu shaaciyay inuu diyaar u yahay la wareegidda xilkan oo uu bisha Saddexaad ee sanadka dambe banneynaya Moussa Faki Mahamat.
Mudavadi ayaa sheegay in Kenya ay si dhow ula shaqayn doonto 14-ka waddan ee gobolka Bariga Afrika si ay Raila garab buuxa ku siiyaan in uu ku guuleysto jagadaasi.
Dhanka kale, go’aanka ay ansixiyeen golaha fulinta ee wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale dhigaya in gobolka Waqooyiga Afrika ay soo saaraan guddoomiye ku xigeenka AU-da halka Bartamaha, Koonfurta iyo Galbeedka Afrika ay u tartami doonaan lixda jago ee saraakiisha sare ee guddoonka AU-da.