Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee (COG) ayaa dhakhaatiirta shaqo joojinta ku guda jiro in ka badan hal bil ku boorriyay in tabashooyinkooda ay kala xaajoodaan hoggaamiyaasha dowlad deegaannada.
Waxaa uu goluhu sheegay in wada hadallada saraakiisha caafimaadka kala dhexeeya dowladda dhexe ay u muuqdaan kuwo aan miro-dhal noqon karin.
COG ayaa wacad ku martay in ay dhinac iskaga dhigi doonto heshiis kasta oo ay dowladda sare la gaarto dhakhaatiirta oo aynan ismaamullada qayb ka ahayn maadaama caafimaadku uu ka mid yahay shaqooyinka la daadajiyay.
Guddoomiyaha golahan ahna barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa go’aankan u aaneysay in labada heer ee dowladda ay kala madax bannaan yihiin marka la eego shaqaaleysiinta.