Golaha CoG oo dalbaday in aan la faragelin shaqooyinka ismaamullada

0
346

Golaha ay ku mideysan yihiin hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ee (CoG) ayaa walaac ka muujiyay in dowladda dhexe iyo hay’adaheeda ay qabanayaan qaar ka mid ah waajibaadka dowlad deegaannada.
Golaha ayaa tusaale u soo qaatay mashaariicda suuqyada , guriyeynta, bacriminta la siiyo beeralayda iyo nalalka.
Guddoomiyaha golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG,Anne Waiguru ayaa bayaan ku sheegtay in arrimahan looga hadlay kulan ay maanta yeesheen.
Waxaa bayaanka ku cad in iyadoo golaha barasaabyada uu si joogto ah u taageero wada tashiyada haddana in hoggaanka CoG uu wasaaradaha kala duwan kala hadli doono tabashooyinka la xiriira shaqooyinka dastuuriga ee ismaamullada ee ay ku howlan yihiin qaar ka mid ah waaxyaha dowladda sare.
Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo 15-ka ilaa 19-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan , fagaaraha Eldoret Sports Grounds ee ismaamulka Uasin Gishu lagu qabto shirweynaha arrimaha dowlad wadaajinta ee sanadkan.