Golaha Barasaabyada oo shir degdeg ah ka yeelanaayo hadaladii ka soo yeeray guddoomiyaha ismaamulka Nyeri

0
740

Golaha Barasaabyada ee CoG ayaa ku baaqay shir aan caadi ahayn oo deg deg ah oo la qorsheeyay,kadib hadallo muran dhaliyay oo ka soo yeeray guddoomiyaha dowlad deegaanka Nyeri Mutahi Kahiga ee ku aadanaa geerida hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.
War qoraal ah oo uu soo saaray golaha CoG ayaya barasaabyada iska fogayeen hadalada guddoomiye Kahiga, iyaga oo ku tilmaamay “aragti shakhsiyeed oo aan ka turjumayn mowqifka golaha.”
Kahiga oo sidoo kale ah guddoomiye ku xigeenka CoG ayaa dhaleeceyn ballaaran la kulmay ka dib markii uu sheegay in geeridii Raila Odinga ee 15-kii bishan October, ay ahayd ‘duco laga jawaabay’ oo loogu talagalay gobolka Mt. Kenya, isaga oo ku eedeeyay madaxweyne William Ruto inuu mashaariicda horumarineed u leexiyay dhanka gobolka Nyanza.
Hoggaamiyayaasha xisbiga Raila ee ODM oo ay ku jiraan ku xigeenka hoggaamiyaha Cabdulswamad Nassir (Mombasa), James Orengo (Siaya) iyo gudgoomiyaasha gobolka Mt. Kenya sida Anne Waiguru (Kirinyaga), Cecilly Mbarire (Embu) iyo Lee Kinyanjui (Wasiirka Ganacsiga) ayaa dhaleeceeyay hadaladaas iyagoo guddoomiyaha ka dalbaday raali gelin.
Madaxii hore ee cadaalada dalka David Maraga ayaa dhankiisa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid laga naxo oo xadgudub ku ah Dastuurka dalka ee 2010-kii.