Golaha barasaabyada oo sheegay in saameynta abaarta ay ka jirto 24 dowlad deegaan

0
897

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa shaaca ka qaaday in saameynta ka dhalatay abaarta weli laga dareemaya 24 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.
Waxay uu goluhu xusay inay sii kordheysa tirada shacabka ee macluul wajahaya.
Guddoomiye ku xigeenka CoG ahna hoggaamiyaha ismaamulka Kisii James Ongwae ayaa sheegay in abaarta awgeed ay hadda cunno yari haysato in ka badan 3.1 milyan oo qof.
Waxaa uu ka digay haddii aan tallaabooyin degdeg ah la qaadin in xaaladdu ay ka sii dari karto.
Ugu yaraan 360,000 oo qof ayaa lagu tilmaamay inay u baahan yihiin gurmad degdeg ah halka carruur dhan 800,000 ay wajahayaan nafaqo darro sida laga soo xigtay James Ongwae.
Golaha barasaabyada dalka ayaa dowladda dhexe ku boorriyay inay sare u qaaddo dadaallada ay ku caawinayso ismaamullada ay abaarta sida wayn u saameysay .
Guddoomiyaha Samburu Moses Lenolkulal ayaa dowladda dhexe u sheegay in xaaladaha nololeed ee ka jiro qaar ka mid ah ismaamullada wadanka ay yihiin kuwo aan la fududeysan karin.
Barasaabka ismaamulka Kakamega ,Wyclife Oparanya waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowlad deegaannada ay u taag waayeen wax ka qabashada abaarta dhaqaale la’aan awgeed.
Isniintii ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu saxiixay miisaaniyad dheeraad ah.
Barnaamijka ay warshadda hilibka ee KMC oo uu maamulo militariga wadanka xoolo dhaqatada uga iibsanaysa xoolaha ayay dowladda u qoondeysay 1.4 bilyan oo shilin halka 1.2 bilyan la siiyay waaxda dowlad wadaajinta si ay ugu adeegsato dadaallada tooska ah ee lagu xakameynaya saameynta abaarta.
Sidoo kale 2.4 bilyan oo shilin waxaa loo qoondeeyay waaxda badbaadinta bulshada, waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah.
Lacagtan ayaa loogu talagalay in cunno loogu iibiyo qoysaska ay abaarta saameysay.
Sidoo kale waaxda maareysa abaarta ku dhufata deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs ayaa loo qoondeeyay lacag dhan 900 oo milyan oo shilin.