Golaha barasaabyada oo ku gacan seyray soo jeedin ka timid guddi loo saaray arrimaha tacliinta

0
216

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee (CoG) ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedin ka timid guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu dib u eegis ku sameeyo arrimaha waxbarashada gaar ahaan manhajka CBC.
Guddigan oo uu hoggaaminayay Prof. Raphael Munavu ayaa ku taliyay in maamulka xarumaha tacliinta aasaasiga ee ECDE la hoos geeyo maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe.
Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga arrimaha waxbarashada ee golaha CoG ahna barasaabka ismaamulka Kericho Eric Mutai ayaa sheegay in tani ay dib u dhac ku keenaysa maamulka la daadajiyay.
Waxaa uu xusay in maareynta xarumahan ay ka mid tahay waajibaadka ismaamullada sidaasi awgeedna aan lagu wareejin karin maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe oo uu magacaabo guddiga adeegga barayaasha ee TSC.
Mutai oo arrintan ka hadlay ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uunan jirin heshiis dhex maray dowladda sare iyo ismaamullada oo ku aaddan in maareynta xarumaha ECDE-da la hoos geeyo dowladda dhexe.