Golaha barasaabyada oo Khamiista kulan yeelanaya

0
153

Golaha barasaabyada dalka ee CoG ayaa la filayaa inuu maalinka Khamiista yeesho kulan lagu tilmaamay mid degdeg ah.
Waxaa shirkaasi diiradda lagu saari doonaa kala duwanaanshaha ka dhexeeya ismaamullada iyo dowladda sare.
Barasaabyada ayaa cabasho ka muujinaya qaar ka mid ah go’aammada dowladda dhexe ee dalka.
Waxay sheegayaan in dowladdu iyadoo adeegsanaysa wasaaradaheeda ay fulinaysa qaar ka mid ah waajibaadka ismaamullada.
Sidoo kale waxay ka cabanayaan in aan xilliga habboon lagu wareejin miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda sare siiso.