Golaha barasaabyada oo doonaya in mushaar la siiyo dhakhaatiirta ku maqan fasaxa waxbarashada

0
162

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa doonaya in dowladda dhexe ay la wareegto bixinta mushaaraadka saraakiisha caafimaadka ee qaata fasaxa si ay aqoontooda u kororsadaan.
Waxaa arrinkan ka hadlay guddoomiyaha guddiga caafimaadka ee golaha barasaabyada Muthomi Njuki.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay inay dowlad deegaannada aad ugu adkaatay inay bixiyaan mushaaraadka dhakhaatiirta aan adeegyada u fidin dadweynaha maadaama ay ku maqan yihiin fasax waxbarasho.
Njuki oo sidoo kale ah barasaabka ismaamulka Tharaka Nithi ayaa sheegay in haddii dowladda dhexe ay baaqooda tixgeliso, ay fududaan doonto in si ku meel gaar ah loo howlgeliyo dhakhaatiir buuxiya shaqooyinkii kuwa fasaxa qaatay.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in ismaamulka Tharaka Nithi 14 ka mid ah 36 dhakhaatiir ah ay ku maqan yihiin fasax waxbarasho.