Golaha barasaabyada dalka oo dood ka keenay qoondada sanad maaliyadeedka 2023/2024-ka

0
221

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dalka ee (CoG) ayaa ka soo horjeestay qoondada dakhliga ismaamullada ee sanad maaliyadeedka 2023-2024-ka ee uu guddiga jaangoynta dakhliga ee CRA uu soo saaray taasoo dhan 407 bilyan oo shilin.
Golaha ayaa ku doodaya in qiimaha wax aan badneyn lagu kordhiyay maadaama uu horay ahaa 370 bilyan oo shilin waxayna dalbanayaan in miisaaniyadda ay dowladda dhexe u qoondeyso laga dhigo 425 bilyan oo shilin tani oo u dhiganta koror ah boqolkiiba 15.
Barasaabyada ayaa hoosta ka xarriiqay in qoondeynta la soo jeediyay ay tahay mid la kordhiyay boqolkiiba 10 marka la eego miisaaniyadda ay hadda ku shaqeeyaan dowlad deegaannada.
Golaha guddoomiyayaasha dalka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay Sanduuqa Canshuuraha Dayactirka Waddooyinka ee (RMLF) iyaga oo sheegay in sanduuqan aan weli loo beddelin amaah shuruud ku xiran in kastoo arrintan lagu heshiiyay xilli uu bishii Tobnaad ee sanadkan golaha miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ee dowladda dhexe iyo ismaamullada ee (IBEC) yeeshay kal-fadhigiisi 18-aad.
Golaha IBEC waxaa guddoomiye u ah madaxweyne ku xigeenka dalka.
Waxa ay goluhu sheegeen in mas’uuliyiinta waddooyinka Kenya ay ku guul daraysteen in ay 15 boqolkiiba sanad maaliyadeedka 2023/24 uu qoondeeyan guddiga dayactirka wadooyinka ee gobollada.
Golaha CoG ayaa guddiga waddooyinka dalka ugu baaqay inuu si degdeg ah boqolkiiba 15 ee miisaaniyadda sanduuqa RMLF siiyo ismaamullada iyadoo uunan dib u dhac jirin sida uu xaalku ahaa sanad maaliyadeedkii 2015/2016.