Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu qabto kulan degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha xaaladda Geeska Afrika.
Kulankan ayaa daba socda xiisadaha sii kordhaya ee ka dhashay heshiiska dowladda Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya inay ku xadgudubtay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo khatar ku ah sida ay Soomaaliya sheegtay xasiloonida gobolka geeska Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan golaha ammaanka ugu baaqay inay kulan ka yeeshaan oo ay ka hor yimaadaan xadgudubka Itoobiya ku sameysay madax bannaanida jamhuuriyadda Soomaaliya.
Si kastaba ahaatee, Ururrada caalamiga ah sida Midowga Yurub (EU) wuxuu horay ugu baaqay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo dastuurkeeda, axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Jaamacadda Carabta ayaa iyaguna aragtiyo isku mid ah ka dhiibtay, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in la dhowro qawaaniinta iyo mabaadi’da xiriirka deris wanaagga iyo in la ixtiraamo madax-bannaanida dalalka dariska ah.