Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay in la qaado tallaabooyin dabagal ah oo ku saabsan la xisaabtanka shakhsiyaadka mas’uulka ka ah xadgudubyada dagaal ee ka dhanka ah arrimaha bini’aadantinimada ee ka dhacay intii ay socotay colaadda Laascaanood ee gobolka Sool.
Waxaa uu golaha go’aankan qaatay, ka dib markii uu dhagaystay oo uu tixgaliyay warbixin ay soo gudbiyeen guddiga khubarrada arrimaha Soomaaliya, si waafaqsan farqadda 47 (c) (i) ee qaraarka 2662 (2022).
Qaraarka 1844RES/2008, ayaa wuxuu dhigayaa in cunuqabatayn maaliyadeed iyo kuwa safar ah lagu soo rogo shakhsiyaadka ku xusan warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga khubarrada Soomaaliya.
Guddiga ayaa ku eedeeyay shakhsiyaadkan, kuwaas oo aan la shaacin magacyadooda, inay ku kaceen, falal la xiriira beegsiga dadka rayidka ah, xarumaha waxbarashada, isbitaallada, afduubka iyo barakicinta dadka rayidka ah iyo sidoo kale inay horjoogsadeen gargaarka bini’aadantinimo.
Waxaa uu guddiga ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda, inay xaqiijiyaan gargaarka bini’aadantinimo, islamarkaana loo ogolaado inay Laascaanood tagaan kooxaha ka hortagga walxaha qarxa, sida Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Miino baarista iyo ururrada ay khusayso.
Home Wararka Soomaaliya Golaha ammaanka oo baaraya shakhsiyaadka ku lugta lahaa xadgudubyada dagaal ee ka...




