Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta u codeynaya cunaqabateynta nukliyeerka ee Iiraan

0
571

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codayn doona Jimcaha maanta ah in dib loogu soo rogo cunaqabataynta Iiraan ee barnaamijkeeda Nukliyeerka, sida uu sheegay madaxa golaha ka dib markii Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ay bilaabeen hannaanka horseeday codeynta.
Saddexda waddan ee Yurub oo ka mid ah saxeexayaasha Qorshaha Wadajirka ah ee Tallaabada (JCPOA) oo loogu talagalay in lagu joojiyo in Xukuumadda Tehraan ay sameysato hub nukliyeer ah ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Iiraan inay jabisay ballanqaadkeeda heshiiskii 2015-kii.
Shir guddoonka meertada ah ee Golaha ayaa xaqiijiyay kulanka Jimcaha oo bilaaban doona 10-ka barqanimo ee saacada maxalliga ah.
Warqad ay u direen Qaramada Midoobay bartamihii bishii Agoosto, ayay saddexda dal waxaa ay ku dhaleeceeyeen Iiraan inay jebisay dhowr ballanqaad oo ka mid ahaa heshiiska oo ay ku jiraan dhisida kaydka Yuraniyaamka oo 40 jeer ka badan heer la oggol yahay ee hoos yimaada heshiiska.