Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ansixiyay ciidamo cusub oo la dagaallama burcadda Haiti

0
394

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii soo saaray qaraar lagu beddelayo howlgalka ammaanka ee ay Qaramada Midoobay taageerto ee Haiti oo ay kooxaha burcadda u badan yihiin, loona beddelo ciidan ballaaran oo militari ah.
Ciidanka cusub ayaa hadda yeelan kara ugu badnaan 5,500 oo qof oo lebisan, oo ay ku jiraan saraakiisha booliiska iyo askarta, oo ka duwan howlgalka hadda jira, oo ah kaliya sharci fulinta.
Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Mike Waltz ayaa sheegay in codbixintii 12 xubnood ee golaha ay u codeeyeen in loo bedelo howlgalka Taageerada Amniga Caalamiga ah mid cusub oo xakameynta burcadda kaasoo shan jeer ka awood badan midka hadda jira.