Kow iyo toban carruur ah ayaa nolol lagu aasay xilli ay ciid ka qodayeen waqooyiga Nigeria, kaddib markii uu god ku dumay Talaadadii, sida ay booliiska sheegeen.
Carruurtan oo da’doodu u dhaxayso afar ilaa sagaal jir ayaa waxa ay qodayeen ciid ay ku samaynayeen guryaha caruurta ay ku dhelaan ee dhiiqada, waxana uu ku soo dumay god meel ka baxsan tuulada Yardoka ee gobolka Kaduna.
Waxaa arrintan shaaciyay afhayeenka booliiska gobolka Kaduna Mansiir Xasan.
Bishii Febraayo ee sanadkan, 17 arday ayaa la dilay halka 17 kalena ay si xun u dhaawacmeen ka dib markii dab uu ka kacay madarasada ay dhiganayeen oo ku taal waqooyi galbeed ee gobolka Zamfara, sida ay booliiska sheegeen.