Gobol ka tirsan Uzbekistan oo xaalad degdeg ah lagu soo rogay

0
400

Madaxweynaha dalka Uzbekistan Shavkat Mirziyoyev ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg ah lagu soo rogay maamulka leh madax bannaanida xaddidan ee Karakalpak.
Tani ayaa timid kadib dibadbax ka dhacay gobolkaasi oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee wadankaasi.
Xaaladda degdegga ah ayaa shaqeyn doonto muddo bil ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mudaharaadyada ay madaxweyne Mirziyoyev ku qasbeen inuu ka laabto isbeddelo dastuuri ah.
Xoghayaha dhanka saxaafadda ee hoggaamiyaha Uzbekistan Sherzod Asadov ayaa barta Telegram-ka ku xaqiijiyay amarka cusub.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo badqabka muwaadiniinta , ilaalinta xuquuqahooda iyo soo celinta nidaamkii kala dambeynta ee maamulka.