Xoghayaha arrimaha gudaha UK, Shabana Mahmood, ayaa baarlamaanka ka sheegi doonto toddobaadka soo socda in dadka ka dalbada UK magangalyada la siin doono deganaasho kumeel gaar ah iyadoo aan la siineyn mid rasmi ah.
Qorshan waxa uu uu dhigayaa qof kasta oo haysta sharci magangalyo ee la siiyay deganaasho joogto ah in dib u eegis lagu sameynayo waqtiyo gaar ah iyadoo dib loo celinayo markasta oo loo arko in uu ammaan yahay wadankii uu shaqsigaas ka yimid.
Nidaamka hadda ka jira UK waa mid qofka siinayo deganaasho rasmi ah markasta oo la aqbalo codsigiisa magangalyo doono.
Xoghayaha arrimaha gudaha UK waxay hore ballanqaad uga sameysay intii uu socday shirka xisbigeeda shaqaalaha bishii Semtembar in ay sameynso wax kasta ay ku qaadato sidii ay ku soo celin laheyd ilaalinta xuduudaha Britian.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo wasaarada arrimaha gudaha ay ku dhawaaqday ku dhawaad 50,000 oo sharcidarro ku jooga UK in laga masaafuriyay ilaa markii uu uu xukunka qabtay xisbiga Shaqaalaha.
Tani waxay ka dhigan tahay 23 boqolkiiba in ay korortay tirada la diidayo marka la barbardhigo 16 bilood laga bilaabo Julay sanadkii hore.
Khubaradu waxay ku tilmaameen go’aanka wasaarada arrimaha gudaha “isbaddel weyn’. Wasaarada waxay sheegtay in ay ku dayaneyso isbeddalka socdaalka ay sameysay dowladda Denmark taas oo leh mid ka mid ah nidaamayada soogalooti iyo socdaal ee ugu adag Yurub.




