Guddoomiyaha xisbiga ODM Gladys Wanga ayaa xubnaha xisbiga u xaqiijisay in kooxda siyaasadeed aysan burburin doonin xitaa ka dib geeridii hoggaamiyahooda Raila Odinga.
Wanga ayaa ku baaqday midnimada xubnaha xisbiga, iyadoo sheegtay inay sii wadi doonaan inay si midhaysan hore ugu socdaan.
Iyadhoo ka hadashay intii lagu jiray munnaasabada Cunnada Adduunka ee ka dhacday garoonka Kendu Bay Show Ground, Wanga ayaa sheegtay in ODM ay qaban doonto dabaaldegyo lagu xusayo sannad guuradii 20-aad ee ka soo wareegta aasaaska xisbiga sidii hore loogu qorsheeyay magaalada Mombasa iyada oo aan wax carqalad ah la gelin.
Guddoomiye Wanga ayaa sheegtay in xubnaha ODM ay u adeegsadaan xisbiga si ay uga gorgortamaan heshiisyada siyaasadeed ka hor doorashada guud ee 2027.
Waxaa ay inta ku dartey in xubnaha ODM ee ismaamulka Homa Bay ay qaban doonaan xaflad xusuus ah oo ka dhici doonta Garoonka Raila Odinga ee Magaalada Homa Bay Arbacada toddobaadka soo socda si loo xasuuso hoggaamiyahooda.
Tani ayaa waxaa ay timid ka dib markii xisbiga uu qabtay shirka Guddiga Maamulka Dhexe, halkaas oo Xoghayaha Guud ee ODM Edwin Sifuna uu xusay in xisbiga uu taageeri doono baaqa Mr. Odinga ee ah qaran midaysan isla markaana uu ixtiraami doono ballanqaadkiisa ah inuu la shaqeeyo dowladda.




