Madaxda 4 xisbi oo isbeheysi sameeystay

0
578

Hoggaamiyaasha xisbiyada KANU, ANC, WIPER iyo FORD-KENYA ee kala ah Gideon Moi, Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula ayaa ku dhawaaqay isbeheysi ay ku mideysan yihiin.
Xisbi siyaasadeed oo loogu magac daray Isbahaysiga Kenya ayay shalay shaaca ka qaadeen .
Waxaa ay dhammaantood sheegeen in isbahaysigu ujeedkiisu yahay sidii lagu gaari lahaa isbeddel dhanka qorshaha horumarka ah.
Waxaa ay tilmaameen in xaaladda siyaasadeed ee dalka ay hadda tahay mid aan wanaagsaneyn sidaas awgeedna ay raadin doonaan sidii ay dadweynaha Kenyaanka ah ugu soo bandhigi lahaayeen isbeddel cusub.
Madaxdan ayaa dhanka kale cambaareeyay go’aankii isbeheysiga NASA uu xilka laga qaaday senatarka Kakamega Cleophas Malala kaas oo ahaa ku xigeenka madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka sare.
Tallaabadaas ayay ku tilmaameen mid aargudasho ah oo ku aaddan guushii ka soo hooyatay doorashooyinkii ku celiska ahaa ee deegaannada Matungu iyo Kabuchai .