Garyaqaan Axmadnaasir oo laga mamnuucay maxkamadda sare

0
176

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa garyaqaan sare Axmadnaasir Cabdullaahi ka mamnuucday maxkamadaasi.
Waxaa ay sidoo kale hay’adihiisa sharciga ka mamnuucday inay ka soo muuqdaan maxkamadda sare.
Qoraal ay si wada jir ah u soo saareen 7-da garsoore ee maxkamadda sare ayay ku sheegeen in garyaqaan Axmadnaasir uu si joogta ah warbaahinta iyo barahiisa bulshada ku dhaleceyn jiray maxkamadda sare iyo garsoorayaasheeda
Garsoorayaahsa ayaa intaasi ku daray in garyaqaanka uu soo badhigi jiri hadallo sumcad dil ah oo ka dhan ah maxkamadda sare.
Garyaqaanka ayaa marar badan maxkamdda sare ku eedeyay falal musuqmaasuq ah.
Hasa ahaate garyaqaan Axmadnaasir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiha X ku gacan seyray go’aanka maxkamadda.
Waxaa uu go’aanka maxkamadda ku tilmaamay ‘calaamad sharafeed’.