Garsooraha maxkamada ugu sareysa dalka ee Supreme Court William Ouko ayaa qaylo dhaan ka soo saaray wax uu ku tilmaamay dib u dhac aan la aqbali karin oo ku yimid cadaalada,isaga oo su’aal galiyay sababta kiisaska qaar ay u qaataan ilaa labaatan sano in la xaliyo inkastoo isbedel dhanka dijitaalka ah uu ku socdo garsoorka.
Isagoo ka hadlayay intii lagu guda jiray furitaanka Adeegyada Wadaagga ee Maxkamadaha ee magaalada Kisumu ayuu Ouko waxaa uu dhaleeceeyay habacsanaanta nidaamka waxaa uuna ku baaqay in dib u habeyn degdeg ah lagu sameeyo habka garsoorka loo maamulo.
Ouko ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Garsoorka uu ka tanaasuli lahaa hababkiisii hore oo uu qaato dib-u-habaynta dhijitaalka ah ee ka caawin doonta yaraynta dib u dhaca iyo dedejinta xalinta khilaafaadka.
Garsoore Ouko ayaa sidoo kale ka hadlay aragtida musuqmaasuqa ee nidaamka cadaaladda, isagoo ka digay inay dhaawacayso kalsoonida shacabka.
Waxaa uu walaac ka muujiyay tirada kiisaska ka soo cusboonaatay maxkamadaha ugu hooseeya oo loo gudbiyo maxkamadda sare, taasoo inta badan sabab u ah ku qanacsanaan la’aanta xukunnada. Waxaa uu ku booriyay saraakiisha garsoorka in ay xaqiijiyaan in si cadaalad ah, hufan oo dhameystiran loo maareeyo kiisaska.
Ouko ayaa soo dhaweeyay furitaanka Diiwaanka Maxkamadda ugu sareysa dalka iyo Maxkamadda Rabshadaha Ku saleysan Jinsiga ee Kisumu, isagoo ku tilmaamay horumarka inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo helitaanka caddaaladda gobolka.
Madaxa cadaalada dalka Martha Koome, oo hogaaminaysay daahfurka oo ka dhacay Wakaalada Horumarinta Howlaha Biyaha ee Koonfurta Victoria, ayaa sheegtay in hindisaha Adeegyada Wadaagga ee Maxkamadaha uu si weyn u wanaajin doono helitaanka cadaalada ee gobolka Nyanza.
Koome ayaa carrabka ku dhufatay in nidaamkan uu horay u qaatay aaladaha dhijitaalka ah sida e-filing, dhageysiga casriga ah iyo maareynta xogta dhexe, iydha oo intaa ku dartay in Kisumu ay tahay degmada labaad ee ka dambeysa Nairobi ee isticmaasho nidaamkan.
Adeegyada la wadaago ayaa isu keena in ka badan 26 maxkamadood, isdhexgalka howlaha sida Tiknoolajiyada, maaliyadda, kaabayaasha, isgaarsiinta iyo silsiladda saadka.