Garsoore Maxamad Ibraahim oo ku biiray guddiga JSC

0
521

Garsoore Maxamad Ibraahim oo ka howlgalo maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa ka mid noqday guddiga adeegga cadaaladda ee JSC.
Waxaa arrintan maareeyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee (IEBC).
Cabdidaahir Macallin oo ka mid ah saraakiisha guddiga IEBC oo garsoore Maxamad Ibraahim shahaadada guddoonsiiyay ayaa sheegay inuu ku soo baxay si aan tartan lahayn isagoo matalaya maxkamadda ugu sarreysa wadanka .
Ka dib markii uu barnaamijkan soo dhamaaday ayay madaxa cadaaladda dalka Martha Koome sheegtay inay aaminsan yihiin in doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ay noqon doonto mid xor iyo xalaal ah oo natiijada ka soo baxdo lagu kalsoonaan karo.