Waxaa maxkamadda sare ee dalka loo gudbiyay dacwad lagu doonaya in shaqada looga joojiyo garsoore Esther Maina.
Dacwaddan waxaa maxkamadda geeyay Anthony Odiero oo sidoo kale doonaya in guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC uu billaabo baaritaano ka dhan ah xaakinka oo la xiriira eedeymo musuqmaasuq.
Waxaa dacwaddan ku matalaya qareenkiisa Ndegwa Njiru.
Odiero ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in garsooraha xil ka qaadis lagu sameeyo si loo ilaaliyo hufnaanta waaxda cadaaladda ee dalka.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua uu wacad ku maray inuu Khamiista soo socoto dacwad ka gudbin doono garsoore Esther Maina oo uu sheegay inay sanadkii 2022-kii ku amartay inuu soo wareejiyo hanti dhan 202 milyan oo shilin.
Xaakinka ayaa xilligaasi ku dhawaaqday in Gachagua uunan caddeyn qaabkii uu lacagtaasi ku helay sidaasi awgeedna ay tahay mid laga macaashay falalka musuqmaasuqa.
Hasa ahaate hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in hantidaasi uu ku helay qaab habboon balse aan fursad loo siin inuu is difaaco sidaasi awgeedna uu guddiga adeegga garsoorka ee JSC dacwad hor dhigi doono.