Garsoore David Majanja oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka ayaa mar kale loo doortay inuu ka mid noqdo saraakiisha sare ee guddiga adeegga waaxda cadaaladda dalka ee JSC.
Waxaa uu guddigan ku matalaya ururka xaakinnada wadanka .
Majanja ayaa helay codad gaaraya 81 waxaana ku soo xigay musharraxiinta kala ah James Olola ( oo helay 47 oo codad ah ) iyo Joram Abuodha oo soo hooyay codad dhan 9.
14-kii bishii Shanaad ee May ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii ugu horreysay ee garsoore David Majanja loo doortay inuu xubin sare ka noqdo guddiga JSC muddo shan sano ah ka hor inta aan shalay mar kale loo codeyn.
Sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii loo magacaabay garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee wadanka wuxuuna hadda ka howlgalaa qaybta dacwadaha rayidka ee maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
David Majanja ayaa ka hor inta aan mar kale la dooran, wuxuu ahaa guddoomiyaha guddiga arrimaha shaqaaleysiinta ee JSC.
Sidoo kale, waxaa uu xubin ka ahaa guddiyada hanti dhowrka, maamulka , maareynta khatarrada iyo horumarka.
Waxaa uu haystaa shahaadada Masters ee culuunta sharciga oo uu ka qaatay jaamacadda Pretoria ee dalka Koonfur Afrika iyo shahaadada heerka Degree ee sharciga oo uu ka qaatay jaamacadda Nairobi.