Garsoorayaasha Tunisia oo shaqo joojin sii wadi doono

0
526

Garsoorayaasha ka howlgalo maxkamadaha wadanka Tunisia ayaa sheegay inay shaqo joojin ku sii jiri doonaan toddobaadkii saddexaad.
Waxay muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan faragelin ay madaxweyne Kais Saied ku eedeynayaan inuu ku hayo waaxda cadaaladda ee wadankaasi.
4-tii bishan ayay ahayd markii xaakinnada ay hakiyeen shaqooyinkoodii iyagoo sheegaya in go’aannada madaxweynaha Tunisia ay yihiin kuwo uu doonayo inuu ku xakameeyo garsoorka oo uuna ku bartilmaameedsado shakhsiyaadka ay siyaasad ahaan kala aragti duwan yihiin.
Madaxweynaha Tunisia oo baarlamaanka wadankaasi kala diray bishii Toddobaad ee sanadkii hore ayaa xoojiyay adeegsiga awoodiisa .
1-dii bishan ayay ahayd markii uu shaqada ka eryay 57 garsoorayaal ah oo uu ku eedeyay musuqmaasuqa iyo ilaalinta argagixisada.
Hasa ahaate ururka xaakinnada wadanka Tunisia ayaa dhaliilahan ku tilmaamay kuwo siyaasadeysan.