Garsoorayaasha oo lagu boorriyay in ay iska diidaan nooc kasta oo musuqmaasuqa ka mid ah

0
348

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa garsoorayaasha kula taliyay in ay iska diidaan nooc kasta oo musuqmaasuqa ka mid ah.
Waxaa uu kula dardaarmay in ay kenyaanka ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay hufnaan iyo xirfad.
Ruto ayaa sheegay in haddii aynan hufnaan jirin , in su’aal la gelinaya kalsoonida lagu qabi karo waaxda garsoorka ee dalka iyo hay’adaha dowliga ah.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in musuqmaasuqa , xita qaabka ugu yar uu saameyn ku yeelanaya awoodda iyo waxtarka maxkamadaha dalka.
Madaxweyne William Ruto ayaa xaakinnada kula taliyay in ay daacad ka noqdaan dhaarta ay mareen oo ay dhinac iskaga dhigaan nooc waliba oo eexasho, qof jecleysi, niyad xumo , bartilmaameedsi siyaasadeed, diimeed ama musuq ah.
Xaakinnada uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto ee maanta la dhaariyay ayaa isugu jiro 12 rag iyo 8 haween ah.