Garsoorayaasha maxkamadda sare oo dhageysan doona dacwadda xilka madaxtinimo

0
373

Hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa la filayaa saacadaha soo socdo in maxkamadda ugu sarreyso wadanka ee Supreme Court uu geeyo dacwad la xiriirta natiijiadii ka soo baxday doorashadii madaxtinimo oo uu guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebuakti ku dhawaaqay in William Ruto ku guulaystay.
Raila iyo kooxdiisa ayaa sheegaya in rabitaanka shacabka daaqadda laga tuuray islamarkaana uu rajeynaya in maxkamadda waxba kama jiraan ka soo qaadi doonto go’aankii Chebukati.
Dacwadda ayaa go’aan looga gaari doona muddao 14 cisho, ka dib marka maxkamadda la geeyo.
Waxaa ay taasi micnaheedu tahay in ugu dmabayn go’aan ay maxkamadda ka gaari doonto 5-ta bisha Sagaalaad ee sanadkan.
Haddaba toddobada garsoore ee dacwad dhageysan doona waxay kala yihiin madaxa cadaaladda ee wadanka Martha Koome, ku xigeenkeeda Philomena Mwilu iyo garsoorayaasha kala ah William Ouko, Maxamad Ibraahim, Dr.Smokin Wanjala, Njoki Ndungu iyo Isaac Lenaola.
Habraacyada dhageysiga dacwadaha doorashada ayaa ah, in cid kasta oo aan natiijada ku qancin waxay haysan doontaa muddo 7 cisho ah oo ay maxkamadda cabasho ugu gudbinaysa .
Muddadan ayaa ka billaabanaysa maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada sida ku qeexan qaybta labaad ee farqada 140-aad ee dastuurka dalka.
Madaxa waaxda garsoorka ee dalka Martha Koome ayaa sheegtay in muddadan ay tahay mid aan laga wada xaajoon karin.
Bayaanka maxkamadda waxaa ku cad in qofka cabanaya uu haysto muddo 24 saacadood ah oo uu qofka cabashadaasi ka jawaabaya kula wadaagi karo warqadaha kiiska.
Intaasi ka dib dhinaca jawaabta looga fadhiya waxaa uu haysan doonaa afar maalmood oo uu uga falcelinaya dacwadda laga gudbiyay.
Maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court ayaa laga doonaya inay 14 cisho gudahooda go’aan ku soo saarto.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Kenya ay taariikh dhigtay ka dib markii maxkamadda Supreme Court ay noqotay midii ugu horreysay ee qaaradda Afrika oo laashay natiijada doorasho madaxtinnimo.