Garissa:Baaritaano la xiriira dhacdo uu macallin ku dhintay oo la billaabay

0
549

Waaxda qaabilsan baaritaannada shilalka hawada ee dalka ee (AAID) ayaa billowday inay baaritaano ku sameyso dhacdo laga soo tabiyay ismaamulka Garissa oo uu ku nafwaayay maamule ku xigeenkii dugsiga hoose dhexe ee Masalani ee deegaanka Ijara Axmadnuur Ismaaciil.
Alle ha u naxariistee macallinka ayaa geeriyooday ka dib saameyn ka soo gaartay qaybaha wareega ee diyaaradda ka caawiya inay duusho oo ku dhacay ama qoorta ka jaray.
Diyaaradda ayaa ahayd nooca qummaatiga u kacda ee Helikobtarka.
Maamulka duullimaadka rayidka ee (KCAA) ayaa dhankiisa bayaan uu soo saaray waxaa uu uga qoomameeyay dhacdadaasi.
Diyaaradda helikobtarka ayaa lagu sheegay 5Y-HNB.
Agaasimaha guud ee maamulka KCAA Emile Nguza Arao ayaa sheegay in baaritaannada ay billowday waaxda AAID sidoo kale laga qayb gelin doono howlwadeennada adeegga qaran ee booliiska ee NPS iyo saraakiisha kale.