Gargaar loo fidiyay dad ka soo barakacay colaadihii ka jiray Degmada Beledxaawo

0
361

Hay’adda laanqeyrta case e Kenya oo kaashanaysa dowlada ismaamulka Mandera ayaa wali waxaa ay gargaar u fidinayaan dadkii ka soo barakacay colaadii ka dhacday degmada beledxaawo ee Gobolka Gedo dalka Soomaaliya.
Barakacayaasha ayaa waxaa la siiyay agabyo muhiim ah ,iyagoona lala socon doono xaaladooda nololeed inta ay ku sugan yihiin dowlad deegaanka Mandera.
Dadka barakacayaasha ah ayaa ku sugan xerooyiin kumeelgaar ah oo looga dhisay Barwaaqo iyo Duse.
Qoysaska soo barakacay oo gaaraya ilaa 500 oo ruux ayaa la siiyay gargaar cuno ah,waxyaabo ay ku seexdaan,maro kaneeco iyo agab kale.
Gargaarkan ayaa waxaa lala kaashaday,hay’adda Red Cros,Maamulka Mandera,Hoggaamiyaasha Bulshada iyo Culimada.
Qoysaska barakacayaasha ah ayaa dowlada Kenya uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u samaysay.
Ilaa iyo hadda waxaa ay ku jiraan hubaanti la’aan ku aadan sida ay ugu laaban lahayeen dalkooda ay ka soo barakaceen inkasto la xakameeyay dagaalkii ka socday degmada Beledxaawo iyadoo dowlada Soomaaliya ay sheegtay in ay gacanta ku heyso dadkan ay dib ugu soo laaban karaan guriyahooda.