Gargaar cunno oo la gaarsiiyay shacabka ku nool 9 ismaamul

0
303

Guddiga qaran ee ay dowladda dhexe u xil saartay ka falcelinta saameynta abaarta ayaa gargaar cunno gaarsiiyay 320,000 oo qof oo ka mid ah shacabka ku nool 9 ismaamul.
Deeqdan ayaa qiimo ahaan dhan 150 milyan oo shilin.
Qoysaskan oo gaaraya 53,400 ayaa ku kala nool ismaamullada Kajiado, Isiolo, Samburu, Mandera, Kitui, Kilifi, Wajeer, Marsabit iyo Turkana .
Dhawaan ayay ahayd markii uu guddigan shaaciyay inuu uruuriyay lacag dhan 650 milyan oo shilin.
Guddoomiyaha guddigan sidoo kalena ah madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ,Peter Ndegwa ayaa sheegay in dhaqaalahan uu kaalin wayn ka qaadan doono yareynta saameynta abaarta.
Warbixintii ugu dambeysay ee maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa muujinaysa in 6 milyan oo qof oo kenyaan ah oo ku nool 32 ismaamul ay cunno yari haysato.