Ganacsatada magaalada Keroka oo meherado laga burburiyay

0
261

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa magaalada Keroka ee ismaamulka Nyamira ayaa walaac ka muujiyay in dad aan weli haybtoodu la garan ay soo weerareen.
Waxaa halkaasi looga burburiyay meherado ay ku ganacsanayeen oo gaaraya 10.
Hanti aan weli qiimaheedu la caymin ayaa halkaasi ku burburtay.
Arrintan ayaa la sheegay in ay salka ku haysa muran dhuleed oo ka dhexeeya ismaamullada dariska ah ee Kisii iyo Nyamira.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Nyamira Erastus Mbui ayaa sheegay in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cidii arrintan ka dambeysay.